Wararkii ugu dambeeyay dagaal aad u xoogan oo saakay aroortii ka dhacay deegaanka Baxdo

Waxaa faah-faahin dheeraad ah laga helayaa dagaal aad u xoogan oo saakay aroortii ka dhacay deegaanka Baxdo oo qiyaastii 90km dhinaca Bari kaga beegan magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud

Dagaalkaasi oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa sida la sheegay u dhaxeeyay ciidamada maamulka Galmudug oo garab ka helaya kuwa deegaanka iyo dagaalyahanadda Al-shabaab oo halkaasi weerar kusoo qaaday.

Wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug Axmed Shire Falagle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalkaasi lagu dilay 45 kamid ah dagaalyahanada Al-shabaab ee halkaası weerarka kusoo qaaday, islamarkaana ay nolol ku qabteen rag kale oo ay ku jiraan 5 ajaanib ah.

Dhinaca kale, ururka Al-shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaalka saakay ka dhacay deegaanka Baxdo, waxayna sheegeen in dagaalkaas uu ahaa mid ay kaga hortagayeen abaabul ciidan oo dhinacooda kusoo wajahan, islamarkaana ay deegaanka Baxdo ka wadaan ciidamo katirsan maamulka Galmudug.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay dagaalkaas ku dishay 27 kamid ah ciidamada ku sugnaa deegaanka Baxdo, islamarkaana dhankooda ay kaga geeriyootay illaa 9 ka mid ah ciidankooda ee saakay weerarka ku qaaday deegaankaas.

Si kastaba ha ahaatee, xaalada deegaanka Baxdo ayaa haatan ah mid degan, waxaana gacanta ku haya ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa deegaanka, iyadoona dagaalyahanada Al-shabaab ee saakay weerarka ku qaaday halkaasi ay dib uga laabteen, inkastoo la fillan karo in xilli kasta ay dagaalyahanada Al-shabaab weerar kale halkaasi kusoo qaadi karaan.