Faah-faahin:- Nabadoon caan ah oo xalay lagu dilay waqooyiga Gaalkacyo ee qeybta Puntland

Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee qeybta Puntland ku dishay Nabadoon Cabdiqani Xasan Waloore, oo ka mid ahaa waxgaradka sida weyn looga yaqaanay gobolka Mudug.

Nabadoonka ayaa la sheegayaa in la dilay xilli uu kasoo baxay Masjidka Macmuur oo ku yaalla xaafadda Garsoor, halkaas oo uu kusoo tukaday salaadii cishaha.

Kooxaha dilka geystay ayaa la sheegayaa inay baxsadeen, waxaana halkaasi markii dambe soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka waqooyiga Gaalkacyo oo howlgalo baaritaano ah goobtaasi ka sameeyay.

Ciidamadaasi amniga ayaa markii dambe xabsiga dhigay dhalinyaro badan oo ka agdhawaa goobta uu dilka ka dhacay, iyagoona su’aalo ka weydiinaya dilka Nabadoonka.

Si kastaba ha ahaatee, goobta lagu dilay Nabadoonka ayaa la sheegayaa in hore loogu dilay Aabihiis Xasan Waloore, waxaana meydka Nabadoonka markii dambe goobta ka qaaday qaar kamid ah eheladiisa oo halkaasi soo gaaray.