Ra’iisul wasaaraha magacaaban oo maanta booqasho ugu tagay guddoomiyaha Aqalka Sare

Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta booqasho ugu tagay guddoomiyaha golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/laahi.

Booqashadaasi oo aheyd salaan iyo isbarasho ayuu guddoomiye Cabdi Xaashi ugu hambalyeeyay ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre, xilka uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud shalay u magacaabay, isagoona Alle uga baryay inuu ku guuleeyo mas’uuliyada loo igmaday.

Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa noqonaya ra’iisul wasaaraha 21-aad ee xukuumadda, isagoona dhawaan xilka kala wareegi doonno Maxamed Xuseen Rooble oo haatan si KMG ah xilkaasi u haaya.

Si kastaba ha ahaate, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalintii shalay ugu baaqay xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya inay codka kalsoonida siiyaan ra’iisul wasaaraha uu soo magacaabay, si uu usoo dhiso xukuumad tayeysan oo wax ka qabata marxaladda uu haatan dalka ku jiro.