Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo maanta xukun ku riday lamaane dambi lagu helay

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun ku riday Dayib Macalin Maxamed Xasan iyo Xaliimo Cabdi Mursal Ibraahim oo lagu helay dambiga ah inay ka tirsan yihiin kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Dayib Macalin iyo Xaliimo Cabdi ayaa lagu xukumay min 15-sano oo xabsi ciidan ah, kadib markii labadoodaba lagu soo kala eedeeyay sameynta qaraxyada iyo kaydinta hubka kooxda Daacish.

Xafiiska Xeer Illaalinta ayaa maxkamada kahor caddeeysay in labada eedeysane ay yihiin lamaane isku guursaday magacyada Mustaf iyo Xaawo, iyagoona dhinacooda arrinkaasi maxkmadda kahor qirtay.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada amniga ayaa labadaan qof soo xiray bishii Maarso ee sanadkaan, waxaana habraaca maxkamadda kadib lagu xukumay min 15-sano oo xabsi ciidan ah.