Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland oo ka hadlay magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa dhambaal bogaadin iyo hambalyo u kala diray Xamse Cabdi Barre oo maalintii shalay uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay ra’iisul wasaaraha 21-aad ee Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa marka hore hambalyo u diray ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, isagoona u rajeeyay in xilka loo magacaabay uu Alle u fududeeyo.

“Waxaan hambalyo iyo boggaadin u dirayaa xildhibaan Xamse Cabdi Barre oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay ra’iisul wasaaraha 21-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan Alle uga baryayaa inuu u fududeeyo xilka loo magacaabay” Sidaasi waxaa yiri madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Deni.

Dhinaca kale, madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa isna u hambalyeeyay ra’iisul wasaaraha cusub ee magacaaban Xamse Cabdi Barre, wuxuuna Alle uga baryay inuu ufududeeyo xilka loo magacaabay.

Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu aqoon buuxo u leeyahay ra’iisul wasaaraha magacaaban Xamse Cabdi Barre, islamarkaana ku sheegay inuu yahay shaqsi karti leh, kana soo bixi kara xilka loo magacaabay.

Ugu dambeyntii, Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan inay la shaqeeyaan ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, islamarkaana ku garab istaagaan shaqada culus ee sugaysa.