DEG DEG:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo magacaabay ra’iisul wasaare cusub

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaw ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya u magacaabay Xamse Cabdi Barre oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha magacaaban Xamse Cabdi Barre oo beel ahaan kasoo jeeda beesha Ogaadeen ayaa sidoo kale ah siyaasi aad ugu dhaw madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Xamse Cabdi Barre ayaa hore u ahaa xoghayihii xisbiga madaxweynaha ee UPD, wuxuuna sidoo kale soo noqday guddoomiyaha guddiga doorashada Jubbaland, ee dibka loogu doortay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.