
Wafdi uu hoggaaminayo Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha dalka Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa goordhaw soo gaaray degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Wafdiga xildhibaan C/raxmaan C/shakuur oo ka kooban xubno ka socda hay’adda cuntada adduunka ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano WFP iyo mas’uuliyiin ka tirsan guddiga gurmadka abaaraha dalka ayaa waxaa garoonka degmada Buulo-burte kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmadaas.
Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo wafdigiisa oo u kuur geli doonna xaaladda abaaraha iyo nolosha danyarta ah oo ay abaaruhu saameeyeen ayaa la filayaa in saacadaha soo socdo ay kullamo kala duwan la yeeshaan mas’uuliyiinta maamulka degmada Buulo-burte iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Si kastaba ha ahaatee, degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan ayaa ah degmo ay dhowrkii sano Al-shabaab go’doomiyeen, waxaana degmadaasi ku nool qoysas danyar ah oo ay abaaruhu si weyn u saameeyeen.