Somaliland oo jawaab ka bixisay tallaabadii uu ku dhaqaaqay safiirka Soomaaliya ee Kenya

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay inay aad uga xun-yihiin tallaabadii safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) uu maalintii shalay uga baxay kullan qado ah uu madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta isugu yeeray safiirada ku sugan magaalada Nairobi.

Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa sheegtay in safiirka Soomaaliya ee Kenya uu kullanka uga baxay sababo la xiriira inuu goobta ku arkay xubno matalayey Somaliland, sidaas darteedna ay aad uga xun-yihiin arrinkaas.

“Waxay xukuumada Somaliland ka xumaatay tallaabada uu qaaday safiirka Soomaaliya ee Kenya, kaasi oo si deg deg ah uga baxay kullan qado uu madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta isugu yeeray diblumaasiyiinta ku sugan magaalada Nairobi” Sidaasi waxaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda Somaliland.

Sidoo kale, waxaa qoraalka wasaaradda lagu sheegay in tallaabada safiir Tarsan ay muujinayso cadaawad soo jireen ah oo ay dowladda Soomaaliya u qabto Somaliland iyo dadkeeda.

Si kastaba ha ahaatee, safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa maalintii shalay isaga baxay kullan uu madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta isugu yeeray safiirada uu fadhigooda yahay dalka Kenya, kadib markii uu goobtaasi ku arkay mas’uuliyiin matalayay Somaliland.