Taliyaha ciidanka booliska magaalada Qardho oo saakay aroortii la dilay

Wararka naga soo gaaraya gobolka Karkaar ayaa sheegaya in saakay aroortii bartamaha magaalada Qardho lagu dilay taliyihii saldhiga booliska ee magaaladaasi Cumar Hiiraad Kaatuun.

Koox hubeysan oo soo isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya ee KHAMRIGA ayaa weerar ku qaaday taliye Cumar Hiiraad Kaatuun iyo ciidamo uu watay, xilli ay ku guddo jireen howgalo lagula dagaalamayo dadka waxyaabahaasi isticmaala ama ka ganacsada.

Guddoomiyaha gobolka Karkaar Cabdi Saciid Cismaan oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay geerida taliyaha ciidanka booliska ee magaalada Qardho, balse ma uusan faah-faahin, sida ay wax u dhaceen.

Ciidamada ammaanka ee magaalada Qardho ayaa durbadiiba bilaabay howlgalo baaritaano ah oo lagu baadi goobayo kooxihii dilka geystay ee goobta ka baxsaday.

Si kastaba ha ahaatee, inta badan magaalooyinka waaweyn ee ka tirsan maamulka Puntland ayaa waxaa ka dhaca isku dhacyo u dhaxeeya ciidanka ammaanka maamulkaasi iyo kooxo hubeysan oo ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.