Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo maanta isaga baxay shir uu ku cusuumay Uhuru Kenyatta

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa maanta gebi ahaan isaga baxay shir uu madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ku casuumay safiirada dalalka caalamka ee u fadhiya dalkaas.

Danjire Tarsan ayaa sida la sheegay ka xumaaday, kadib markii shirkaasi lagu casuumay wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya, kadibne la-is-dhinac dhigay kuraasta ay fariisanayeen labada dhinac iyo sidoo kale calanka Soomaaliya iyo kan Somaliland.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa arrintaasi ka xumaaday, wuxuuna isaga baxay goobta uu shirka ka socday, isagoona kadib fariin deg deg ah usoo diray madaxtooyadda Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa u muuqata mid la dagaalamaysa madax-banaanida Soomaaliya, waxayna arrintaan keeni kartaa in xiriirka labada dal uu cirka isku shareero.

Illaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, kaas oo ay kaga jawaabayso ficilka guracan oo ay Kenya ku dhaqmayso.

Si kastaba ha ahaatee, xiriirka Kenya iyo Somaliland ayaa muddooyinkii ugu dambeysay ahaa mid wanaagsan, waxayna labada madaxweyne ee Somaliland iyo Kenya kala saxiixdeen heshiis iskaashi ah.