Faah-faahin:- Bam gacmeedyo habeenkii xalay lagu weeraray saldhigyo ku yaalla Muqdisho

Faah-faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weeraro Bambooyinka nooca gacanta laga tuuro ah oo habeenkii xalay lagu kala qaaday saldhigyada booliska degmooyinka Hodan iyo Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Weerarka koowaad ayaa sida la sheegay lagu qaaday saldhiga ciidanka booliska ee degmada Kaaraan, waxaana weerarkaasi kadib la maqlay rasaas badan oo ay fureen ciidanka booliska halkaasi ku sugan.

Dad goob-joogayaal oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay maqleen jug culus, kadibne ay xigtay rasaas badan oo ay ciidanka fureen, iyadoona illaa iyo haatan aan la xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Dhinaca kale, weerar kale oo Bam gacmeed ah ayaa lagu qaaday saldhiga ciidanka booliska ee ku yaalla degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, waxayna ciidanka saldhigaasi ku sugnaa fureen rasaas oo sida la sheegay uu ku dhaawacmay wiil yar oo marayay agagaarka saldhiga.

Laamaha amniga gobolka Banaadir weli kama hadlin weeraradaan xalay lagu kala qaaday labadaasi saldhig ee ku kala yaalla degmooyinka Hodan iyo Kaaraan.