Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay khilaafka u dhaxeeya xisbiyada mucaaradka iyo xukuumadiisa

Madaxdweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay khilaafka u dhaxeeya mucaaradka iyo xukuumadiisa, wuxuuna sheegay in xisbiyada mucaaradka ay tuhunsan yihiin inuu muddo kororsi rabo, balse aanu taasi sharci u haysan.

Madaxweyne Muuse Biixi oo xalay magaalada Ceerigaabo kula hadlay waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka gobolka Sanaag ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inay doorashada waqtigeeda ku dhacdo, isagoona tilmaamay in doorashada aaney dhaafeynin waqtigeeda oo ah 13-ka bisha November ee sanadkan.

Sidoo kale, madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dhibaatada ka dhalatay banaanbixii dhawaan ka dhacay magaalada Hargeysa, isagoona tilmaamay in muwaadin kasta uu xaq u leeyahay inuu ka banaanbaxo waxa uu diidan yahay, balse ay jiraan xeerar loo baahan yahay in loo soo maro.

Dhinaca kale, madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay sababta keentay in xukuumadiisa ay ishor-taag ku sameyso banaanbax ay dhigan rabeen xisbiyada mucaaradka ayaa sheegay inay diideen inay si nabad ah banaanbaxa ku dhigtaan.

Si kastaba ha ahaatee, xisbiyada mucaaridka UCID iyo WADANI ayaa dhawaan magaalada Hargeysa ka dhigay banaanbax looga soo horjeedo muddo kororsi ay ku doonayso xukuumadda Muuse Biixi Cabdi, waxaana ay ciidamada booliska xabsiga dhigeen mas’uuliyiin ka tirsan xisbiyadda mucaaradka oo banaanbaxa ka qeyb-qaadanayay, halka qaar kalena la dhaawacay.