Nabadoon Warsame Ismaaciil oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho

Koox hubeysan ayaa maanta xaafada Baar Ubax oo ka tirsan degmada H/wadaag ee magaalada Muqdisho ku dishay Nabadoon Warsame Ismaaciil oo ka mid ahaa Ergadii soo dooratay xildhibaan Mahad Salaad oo dhawaan loo magacaabay taliyaha cusub ee NISA.

Kooxaha dilka geystay ayaa la sheegayaa inay ku hubeysnaayeen bistoolado, waxaana ay Nabadoonka ku dileen xilli uu ku sugnaa meel aan sidaasi uga fogeyn gurigiisa oo ku yaalla xaafada Baar Ubax ee degmada H/wadaag.

Allaha u naxariistee Nabadoonka ayaa lagu dhuftay dhowr xabadood qeybaha sare ee jirkiisa, isagoona isla goobta ku geeriyooday.

Kooxda dilka geystay ayaa la sheegayaa inay goobta ka baxsadeen, waxaana markii dambe halkaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howlgalo baaritaan ah sameeyay.

Illaa iyo haatan ma jirto cid loo soo qabtay ama sheegatay mas’uuliyadda dilkaas ee Nabadoonka.

Nabadoonka la dilay ayaa la sheegayaa in maalmihii ugu dambeysay uu la kulmayay hanjabaadyo, isagoona ka mid ahaa mas’uuliyiinta xarunta weyn ee ganacsiga SOM OIL oo ku taalla isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.