Faah-faahin:- Dagaal culus oo xalay ka dhacay deegaanka Bacda iyo saraakiil ka hadashay

Waxaa faah-faahin dheeraad ah laga helayaa dagaal aad u culus oo habeenkii xalay ka dhacay deegaanka Bacda oo hoostagta degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Dagaalkaasi ayaa sida la sheegay u dhaxeeyay ciidan ka tirsan kuwa deegaanka ee la magac baxay macawiisleyda ee ka dagaalama gobolka Hiiraan iyo dagaalyahanada Al-shabaab.

Dagaalka ayaa ku bilawday weerar ay ciidanka macawiisleyda ku qaadeen fariisin ay dagaalyahanadda Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Bacda, waxayna labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil u hadashay ciidanka macawiisleyda ayaa sheegay inay dagaalkaasi guulo waaweyn ka gareen, islamarkaana ay ku furteen hub kala duwan oo ay ku jiraan qoryaha fudud.

Illaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-shabaab oo ay kaga hadlayaan dagaalkaasi, iyadoona goobta uu dagaalka ka dhacay aheyd meel ay Al-shabaab ka abaabuli jireen weerarada ay ku qaadaan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Xaaladda goobtii uu dagaalka ka dhacay ayaa saakay ah mid degan, waxaana jira cabsi laga qabo in dagaalyahanadda Al-shabaab ay soo laba-kacleeyaan islamarkaana ay halkaasi dagaal rogaal celis kusoo qaadaan.