Madaxweyne Muuse Biixi oo maanta safar cirka ah ku tagay magaalada Ceerigaabo

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta safar dhinaca cirka ah ku tagay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Ceerigaabo kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin kala duwan, waxaana markii dambe loo galbiyay xarunta madaxtooyadda ee ku taalla magaaladaas.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, gudoomiyaha golaha wakiilada C/risaaq Khaliif Axmed, xildhibaano ka tirsan labada gole iyo sidoo kale xubno ka tirsan golaha wasiirada Somaliland.

Safarka madaxweyne Muuse Biixi oo qaadan doonno dhowr maalmood ayaa ah mid la xiriira howlo shaqo, wuxuuna halkaasi kulamo kala duwan kula yeellan doonnaa maamulka gobolka, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.