Shirkii golaha wadatashiga Qaran oo lasoo gaba-gabeeyay iyo war-murtiyeed laga soo saaray

Waxaa maanta xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shirkii golaha wadatashiga Qaran oo ay halkaasi ku yeesheen madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyadda dalka.

Shirkaasi oo uu shir guddoominayay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socday muddo labo maalmood ah, waxaana looga hadlay qorsheyaasha hortabinta u leh dowladda oo ay ugu horeeyso xoojinta wada-shaqeynta heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, dib u heshiisiinta, dhameystirka dastuurka, xoojinta nidaamka federaalka, adkeynta amniga dalka, dhisidda garsoor sal adag leh, xal u helida arrimaha abaaraha iyo diyaarinta hannaanka doorashooyinka dalka.

Madaxda shirka golaha wadatashiga ayaa isku raacay qabyo-tir iyo dhamaystir wakhtiyaysan oo lagu dul dhiso guulihii horay looga gaaray dib u eegista dastuurka, islamarkaana ay noqdaan mid ay u wada dhan yihiin dhammaan heerarka dowladda iyo qeybaha bulshada.

Sidoo kale, goluhu ayaa isku raacay in si wadajir ah loogu gurmado dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, loona diyaar garoobo ka hortagga musiibooyinka soo noqnoqda, lana helo sidii xal waara looga gaari lahaa.

Ugu dambeyntii, madaxda ayaa isla gartay ahmiyadda ay leedahay in la dhamaystiro hannaanka amniga qaranka sida dhismaha ciidanka iyo la dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada iyo in isla meel dhigay in la helo nidaam doorasho oo mideysan iyo doorasho dimuqraadi ah oo dalka ka dhacda.