Madaxweyne Xasan Sheekh oo kullan la qaatay ganacsatada Soomaalida ee Kenya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho kullan kula qaatay ganacsatada soomaaliyeed ee dalka Kenya, isagoona kala hadlay arrimo badan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marka hore ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ugu baaqay inay ka qeyb qaataan xoojinta maalgashiga dalka iyo hirgelinta barnaamijka shaqo abuur qaran ee uu dhawaan isaga ku dhawaaqay, isagoona dhinaca kale uga mahadceliyey ganacsatadaasi dadaallada ay ku bixiyeen adkeynta dowladnimada.

Dhinaca kale, ganacsatadaan oo magaalada Muqdisho u yimid, si ay uga qeyb galaan munaasabadda caleemo saarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u hambalyeeyey madaxweynaha xilka loo doortay, waxayna ballan qaadeen inay kaallin wanaagsan ka qaadanayaan gurmadka abaaraha dalka.

Ganacsatada Soomaalida Kenya waxay dhowr jeer oo hore ka qeyb qaateen gurmad loo sameeyay dad ay abaar ku saameysay gudaha dalka Soomaaliya, iyadoona abaarta haatan dalka ka jirto ay tahay midii ugu darneed ebed oo dalka ka dhacda.