Farmaajo oo ka hadlay isbadalada waaweyn ee ka dhacay soomaaliya kadib doorashadii looga guuleystay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa si qoto-dheer uga hadlay isbadalada waaweyn ee ka dhacay dalka kadib doorashadii uu ku guuleystay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Maxamed Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku sheegay in dowladdo Soomaaliya ka facweyn oo dimoqraadi ah ay mararka qaar natiijada doorashooyinkooda hareeyaan muran iyo khilaaf.

Wuxuu Farmaajo tilmaamay guusha laga gaaray doorashooyinkii dhacay inuusan qof kaliya laheyn, balse ay tahay guud Soomaaliyeed marka laga eego sawirka guud, islamarkaana ay sare u qaaday sumcada dowladnimo iyo tan ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaan ognahay in dowlado institutions-koodu adag yahay oo naga fac wayn, dimoqraadi ah ay natiijada doorashooyinkooda mararka qaarkood hareeyaan muran iyo khilaafaad, guusha aan maanta ku faanayno ma laha qof kaliya, waa guul Soomaaliyeed marka laga eego sawirka guud, waa guul sumcadeenna dowladnimo, dalka iyo ummadda Soomaaliyeed  sare u qaadday.” ayuu yiri Farmaajo.

SIdoo kale, Farmaajo ayaa sheegay in dalka hadda leeyahay dowlad la doortay oo shaqeeneysa, isagoona xusay in qori isku dhiibka ama isbadalka dalka ka dhaca ay tahay dhaqan iyo sunno wanaagsan sida uu tilmaamay.

”Dalka wuxuu leeyahay dowlad shaqayneysa iyo hoggaan la doortay oo sharciyad buuxda leh oo na matasha. Qof walba oo talada qabta wakhti ayuu leeyahay,  laakiin waxaan ka baranay qori-isu-dhiibku inay tahay dhaqan iyo sunno wanaagsan oo aan dimoqraadiyaddeenna ku horumarinayno.” ayuu yiri qoraalkiisa kusoo gaba-gabeeyay Maxamed C/laahi Farmaajo.

Si kastaba ha ahaatee, doorashadii madaxtinimo ee Soomaaliya ka dhacday 15-ka bishii hore ayaa waxaa ku guuleystay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana xilkaasi loo caleema saaray maalintii Khamiista ahayd oo ay taariikhdu ku beegnayd 9-ka bisha June ee 2022-ka.