Shirka golaha wadatashiga Qaran oo maanta ka furmaya magaalada Muqdisho

Waxaa maanta lagu wadan in xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka golaha wadatashiga Qaran ee uu shir guddoominayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkaasi oo ay kasoo qeyb-gali doonaan dhammaan madaxda maamul goboleedyadda dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxaa looga hadli doonnaa arrimo kala duwan.

Arrimaha ugu weyn ee shirkaasi looga hadli doonna ayaa waxaa kamid ah, xaaladda amni ee dalka, dhaqaalaha iyo sidii gurmad loogu sameeyn lahaa dadka Soomaaliyeeed ee abaarta ku sameeysay gobolada dalka.

Si kastaba ha ahaatee, waa shirkii ugu horeeyay ee golaha wadatashiga Qaran uu shir guddoomiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud tan iyo markii xilka loo doortay 15-ka bishii MAY ee sanadkan.