Xisbiyada mucaaradka Somaliland oo dib u dhigay banaanbax ay maanta qaban lahaayeen

Xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo WADANI ee Somaliland ayaa maanta dib u dhigay banaanbax ay hore u shaaciyeen inay qaban doonnaan maanta oo Sabti ah, kaas oo ay kaga soo horjeedaan xukuumadda uu hoggaaminayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Banaanbaxaasi oo lagu waday inuu maanta ka dhaco guud ahaan deegaanada Somaliland ayaa la sheegay inuu baaqday, kadib markii Odayaasha dhaqanka Somaliland ay soo kala dhex-galeen labada dhinac.

Gudoomiyaha xisbiga WADANI Xirsi Cali Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maanta la baajiyay banaanbaxii u qorsheysnaa, ka dib codsi kaga yimid dhinaca Odayaasha dhaqanka ee Somaliland.

Wuxuu guddoomiyaha sheegay inaan marnaba laga yeeli doonin madaxweynaha xilka haya ee Muuse Biixi Cabdi, kaas oo uu ku eedeeyay inuu ka meer-meerayo in doorashada madaxweyanaha ay waqtigeeda ku dhacdo.

“Inta uu Muuse sharciga ka war-wareegayo, lagama yaabo inaan joojino banaanbaxyada, balse waxaan caawa taageerayaasha u sheegayaa in gudigii na dhex-dhexaadinayay ay naga codsadeen in maalmo kooban aanu hakino banaanbaxa, sidaas darteed waxaanu fursad kooban siinaynaa inta wanaaga na dhex-wada, hadii wadahadalkaa iyo dhex-dhaxaadintu ay miro dhal noqon waydo, waxaanu sii wadaynaa banaanbaxyada aanu ku muujinayno waxa aanu diidanahay” Sidaasi waxaa yiri gudoomuiye Xirsi.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabi oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu taageersan yahay guddiga is-xilqaamay ee dhex-dhexaadinta wadda.

“Annagoo dhawraynaya ballankii aanu la galnay guddidii is-xilqaantay, waanu hakinnay banaanbixii aanu iclaaminay maalinka Sabtida ah” Sidaasi waxaa yiri gudoomiyaha xisbiga UCID  Feysal Cali Waraabe.

Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda uu hoggaaminayo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa haatan wajaheysa xaalad siyaasadeed oo aad u cakiran islamarkaan kaga imaanaya xisbiyadda mucaaradka ee UCID iyo WADANI.