Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay arrinta la xiriirta in dib loo fasaxay qaadka Kenya iyo inkale

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeeysay ka hadashay arrinta la xiriirta in dhawaan dib loo fasixi doonno Qaadkii ay Kenya usoo dhoofin jirtay dalka Soomaaliya iyo inkale, kaas oo saacadihii ugu dambeysay ay warbaahinta hadal haysay.

Sarkaal sare oo ku dhaw madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu jiro wadahadal u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya, balse waxyaabaha ay kaga hadlayaan yihiin, kuwa labada dhinac faa’ido ugu jirto.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dhawaan khudbad uu ka jeediyay xaflada caleema saarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku codsaday in dalkiisa laga qaado xayiraadda saaran ee ka ganacsiga qaadkii la geyn jiray Soomaaliya.

Dhinaca kale, wasiirka beeraha Kenya Peter Munya oo maalintii shalay saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in xayiraada saaran Qaadka ay Soomaaliya u dhoofin jireen dhawaan lasoo afjari doonno, muddo labo isbuuc kadibna labada dhinac ay heshiis rasmi kala saxiixan doonaan.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa sanadkii 2020-ka hakiyay dhamaan duulimaadyadii Kenya ee Qaadka keeni jiray Soomaaliya, taas oo sababtay inuu xumaado xiriirka u dhaxeeya labada dal.