Beesha caalamka oo war kasoo saaray banaanbax rabshado watay oo ka dhacay Hargeysa

Xubnaha beesha caalamka ee Somaliland ka taageera geedi socodka doorashooyinka iyo dimuqaraadiyadda ayaa war kasoo saaray banaanbax rabshado watay oo maalintii shalay ka dhacay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, kaas oo looga soo horjeeday xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Qoraal ay si wadajir ah usoo saareen dalalka Denmark, Finland, Norway, Sweden, Netherlands, Ingiriiska iyo Midowga Yurub ayaa lagu sheegay inay aad uga walaacsan yihiin qalalaasihii shalay ka dhacay magaalada Hargeysa, iyagoona madaxda Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka ugu baaqay inay is-xakameeyaan, islamarkaana ay wax weliba ku dhameeyaan miiska wadahadalka.

“Saaxibada caalamiga ah ee la socda nidaamka dimuqraadiyadda Somaliland, waxay aad uga walaacsan yihiin dhacdooyinkii gacan ka hadalka watay ee Hargaysa ka dhacay, kadib banaanbixii siyaasadeed ee maanta, waxaanu dhamaan dhinacyada ku boorinaynaa inay is xakameeyaan, si xaalada loo dajiyo, oo dhaawac iyo dhibaato looga fogaado” Ayaa lagu yiri Qoraalka.

Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda uu hoggaaminayo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa haatan wajaheysa xaalad siyaasadeed oo aad u cakiran islamarkaan kaga imaanaya xisbiyadda mucaaradka ee UCID iyo Wadani.