Ciidamada xoogga dalka oo toogasho ku dilay nin miino aasayay

Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ururka 47aad, guutada 8aad, qeybta 60aad ee ku sugan gobolka Bay ayaa deegaanka Daynuunay ku dilay nin la sheegay inuu ka tirsanaa Al-shabaab.

Ninkaasi ayaa la sheegayaa in la dilay xilli uu miino ku aasayay meel u dhaw saldhig ay ciidanka dowladda ku leeyihiin deegaanka Daynuunay ee gobolka Bay.

Taliyaha ururka 47-aad Guutada-8aad Qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Daahir Macalin Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidanka xoogga oo howlgal roondo ah ku jiray, ay arkeen ninkaasi oo miino ku aasayay agagaarka saldhiga ciidamada dowladda ee deegaanka Daynuunay, kadibna la dilay.

Sidoo kale, taliye Daahir Macalin ayaa sheegay in lagu guuleystay in miinada lakala fur-furo islamarkaana la fashiliyo qaraxaasi uu taliyuhu ku tilmaamay inuu ahaa mid lala damgcsanaa in lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah.

Saraakiisha Al-shabaab weli kama aysan hadlin dilka loo geystay ninkaan la sheegay inuu iyaga ka tirsanaa, kaas oo markii la dilayay miino ku aasayay deegaanka Daynuunay ee gobolka Bay.

Si kastaba ha ahaatee, ciidanka dowladda Soomaaliya ee howlgalada ka sameeya deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa inta badan weeraro iyo qaraxyo khasaare geysta kala kulma dagaalyahanadda Al-shabaab.