Banaabax ka dhacay Hargeysa iyo xildhibaan Barkhad Batuun oo ku dhaawacmay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa sheegaya in maanta uu halkaasi ka dhacay banaanbax aad u ballaaran oo looga soo horjeedo xukuumadda uu hoggaaminayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Banaanbaxaasi oo ay isugu soo baxeen dadweyne aad u farabadan ayaa ahaa mid ay maalmihii ugu dambeysay ku baaqayeen hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo Wadani.

Dadka banaanbaxayay ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxayna dalbanayeen in doorashada madaxweynaha lagu qabto waqtigeeda.

Dhinaca kale, ciidamo ka tirsan kuwa booliska Somaliland ayaa la sheegayaa inay rasaas ku fureen dadkii banaanbaxayay, waxaana rasaastaasi ku dhaawacmay Xildhibaan Barkhad Batuun Jaamac oo kamid ah xisbiga Wadani.

Xildhibaan Barkhad Batuun oo lugta ka dhaawacmay ayaa la sheegayaa in loo qaaday Isbitaal, si halkaasi loogu daaweeyo.

Ciidamada booliska ayaa sidoo kale la sheegayaa inay xabsiga u taxaabeen xubno ka tirsan xisbiga Wadani, kuwaas oo ka qeyb qaadanayay banaanbaxa looga soo horjeedo xukuumadda uu hoggaaminayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.