Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo goordhaw soo gaaray magaalada Muqdisho

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa goordhaw soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, waxaana halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay ra’iisul wasaaraha KMG ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa inuu maanta ka qeyb galo xafladda caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo marki labaad dib loo doortay.

Ammaanka guud ee magaalada Muqdisho ayaa maanta ah mid aad loo adkeeyay, waxaana xilliyadda ina soo aadan la filayaa in Teendhada xerada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ay si toos ah uga bilaabato munaasabadda caleema saarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.