Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Wafdiga madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay ra’iisul wasaaraha KMG ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la filayaa inuu maanta ka qeyb galo xafladda caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka dhici doonta Teendhada xerada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Ammaanka guud ee magaalada Muqdisho ayaa maanta ah mid aad loo adkeeyay, waxaana waddooyinka waaweyn ee magaalada lagu arkayaa ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa maalintii shalay ku dhawaaqay bandow dhaqan-galay oo bilaabanayay 10:00pm fiidnimo ee xalay, wuxuuna bandowgaasi ku egyahay 5:00pm galabnimo ee maanta.