Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, waxaana halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay ra’iisul wasaaraha KMG ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa la filayaa inuu maanta ka qeyb galo xafladda caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka dhaceysa Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, ammaanka guud ee magaalada Muqdisho ayaa maanta ah mid si weyn loo adkeeyay, waxaana saacadaha soo socdo la filayaa inay si toos ah u bilaabato munaasabadda caleema saarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.