Ra’iisul wasaare Rooble oo ku dhawaaqay in la xiraayo waddooyinka Muqdisho

Ra’iisul wasaaraha KMG ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa ku dhawaaqay in gebi ahaan la xiri doonno waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, isagoona arrintaasi u sababeeyay munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa ka codsaday shacabka ku nool magaalada Muqdisho inay dulqaad muujiyaan inta ay socoto munaasabadda caleema saarka madaxweynaha, maadaama ay magaalada imaanayaan madax iyo wufuud kala duwan.

Wuxuu ra’iisul wasaaraha sheegay in waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho la xirayo laga bilaabo caawa markii ay saacadu tahay 10:00pm illaa berri 5:00pm galabnimo, isagoona shacabka ka codsaday inay xilligaasi dulqaad muujiyaan, maadaama waddooyinka magaalada ay xirnaan doonnaan.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaare Rooble ayaa faray taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed inay diyaariyaan gaadiid goobaha caafimaadka lagu geeyo dadka ay xaalado caafimaad lasoo darsaan inta ay xiran yihiin waddooyinka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa maalinta berri oo Khamiis ah lagu wadaa inay magaalada Muqdisho ka dhacdo munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoona ay munaasabadaasi kasoo qeyb-gali doonaan madax kala duwan iyo wufuud ka socota dalalka caalamka.