Qaban-qaabada munaasabada caleema saarka madaxweynaha oo laga dareemayo Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya laga dareemayaa qaban-qaabadii ugu dambeysay ee munaasadda caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabadaan oo ay kasoo qeyb geli doonaan madax kala duwan iyo wufuud ka socoto dalalka caalamka ayaa sida la qorsheeyay maalinta berrito ah ka dhici doonta xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

maalinta berri oo Khamiis ah, taariikhduna ku aeegan tahay 9ka bishaan.

Madaxda lagu casuumay munaasabadaasi ayaa waxaa ka mid ah madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, madaxweynaha Eritreya Isaias Afwerki iyo sidoo kale ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed.

Dhinaca kale, waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada Muqdisho, iyadoona gebi ahaan la joojiyay duulimaadyadii caadiga ahaa ee dalka Imaan jiray, marka laga reebo duulimaadyadda madaxda ka qeyb-galaysa munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalinta berri dhici doonta.