Madaxda Somaliland oo maanta kullan ka yeeshay xaaladaha adag ee abaarta iyo sicir bararka

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta shir guddoomiyay kullan ay yeesheen guddida dhaqaalaha ee golaha wasiirada Somaliland ayaa diiradda lagu saaray arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin xaaladda abaarta, sicir bararka jira iyo baahida loo qabo sidii maal-gashi loogu heli lahaa kheyraadka dabiiciga ah.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Seylici) oo ka warbixiyay waxyaabihii kullankaasi looga hadlay ayaa sheegay in marka hore ay xukuumaddu ka damqanayso culeyska ay bulshada ku keentay sicir bararka, abaarta iyo xaaladaha kale ee jira.

“Sida ummadda Somaliland la socoto xaalad adag baa sannadkan jirta oo abaaraha geeska Afrika oo dhan aynu la qabno, iyadoo gu’ugii hore inagu yaraa hadana gu’ugii maanta uu aad iyo aad u yaraaday, dad iyo duunyaba ay saamayn ku yeelatay abaartaasi, waxaa la isla gartay in marka koobaad Somaliland u diyaar garowdo xaaladda isku tashi oo ah tu shaqsi iyo tu bulshaba in ummadda reer Somaliland u diyaar garowdo” Sidaas waxaa yiri C/raxmaan Seylici.

Dhinaca kale, wuxuu madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Seylici sheegay in xukuumaddu dadaal weyn ku bixisay wax ka qabashada sicir-barbarka, iyadoo Somaliland ay cashuurta 10% ka dhaaftay raashinka quutul daruuriga ah.

“Arrinta sicir bararku waa wax caalamiya oo adduunyada oo dhan saameeyey, xukuumad ahaana lama yaraysan wixii laga qaban karayay waa laga qabtay, waad la socoteen in raashinka daruuriga ah 10% laga dhimay, markii uu shidaalkii kacay wuxuu taabtay waxkasta oo daruuri ah iyo waxaan ahaynba, sidaas darteed waxaan u baahanahay in ganacsatada iyo xukuumaddu ay iska kaashadaan arrinkaas.” Ayuu hadalkiisa raaciyay C/raxmaan Seylici

Ugu dambeyntii, madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Seylici ayaa dul istaagay muhiimadda ay leedahay in maal-gelin loo helo ilaha dakhliga ee Somaliland, xukuumad ahaanna ay dadaal badan gelin doonaan.