Wafdi uu hoggaaminayo Axmed Madoobe oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Wafdiga madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo xafladda caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo 9-ka bishaan ka dhaceysa magaalada Muqdisho.