Dowladda Soomaaliya oo kordhisay qiimaha xajka ee sanadkaan

Qoraal kasoo baxay guddiga tartanka adeega xajka ee wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay qiimaha adeega xajka ee sanadkaan 1443/2022.

Wadarta guud ee qiimaha adeega xajka ee sanadkan ayaa laga dhigay $5,230 (Shan kun labo boqol iyo soddon doolar), waxaana qiimaha horay uu u haa $3800, iyadoo sanadkan lagu kordhiyay $1430.

Hoos ka aqriso qoraalka guddiga.