Ninkii dilay haweeney meydkeeda boosneer laga soo saaray oo maanta la qisaasay

Waxaa maanta meel fagaare ah oo ku yaalla magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay lagu qisaasay nin lagu magacaabi jiray Maxamed Xasan Goomey oo dhawaan magaaladaasi ku dilay haweeneey deyn ku lahayd.

Maxkamadda magalaada Baydhabo ayaa Maxamed Goomey maanta ku fullisay dilka qisaasta ah oo ay dhawaan ku xukuntay, kadib markii la hor-keenay caddeymo muujinaya inuu dilka ka dambeeyay.

Maxamed Goomey ayaa dhawaan magaalada Baydhabo ku dilay haweeney lagu magacaabi jiray Aamina Maxamed, kadib markii ay ka dalbatay inuu siiyo lacag ay ku laheyd, balse uu gurigiisa ugu yeeray, si uu ugu wareejiyo maadaama uusan wax lacag ah u heyn, hase yeeshee uu dilay.

Goobta ay qisaastu ka dhacday ayaa waxaa usoo daawasho tagay boqolaal shacab ah, saraakiil katirsan maxkamadda gobolka Bay iyo ehelada haweeneyda la dilay, kuwaas oo sheegay in kiiskaas uu si cadaalad ah kusoo dhamaaday.

Allaha u naxariistee Aamina Maxamed ayaa dhawaan meydkeeda laga helay boosneer ku yaalla guriga ninkaan maanta la qisaasay, kadib markii muddo maalmo ah la raadinayay meel ay jaan iyo cirib dhigtay.