RW Rooble oo wakiillada beesha caalamka kala hadlay dardar-galinta doorashooyinka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan xubnaha kale ee golaha wadatashiga Qaranka ayaa kullan la yeeshay wakiillada beesha caalamka oo ay ka wada hadleen dar-dargalinta doorashooyinka dalka.

Ra’ iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inay ka go’an tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gaba-gabeeyo doorashada, iyadoo turhaan bixinta iyo toosinta wixii kasoo laabtay lagala tashanayo dhammaan dhinacyada ay khuseeyso sida midowga musharixiinta, bulshada rayidka ah, haweenka iyo daneeyeyaasha kale.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa beesha caalamka uga mahad-celiyay taageeradooda dowlad-dhiska Soomaaliya.