Midowga Musharrixiinta oo dalabyo culus hordhigay Golaha Wadatashiga Qaran

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa dalabyo aad u culus oo ku aaddan doorashooyinka dalka, gaar ahaan kuraastii horay loo doortay waxaa ay hordhigeen Golaha wadatashiga Qaran ee haatan shir uga socdo magaalada Muqdisho.

Waxay sidoo kale soo jeediyeen sixitaanka habraaca, hufnaanta iyo daah furnaanta doorashooyinka.

Ugu dambeyntii, waxay Golaha Midowga Musharaxiinta soo jeediyeen in dib loogu laabto dhammaan kuraasta doorashadooda lagu muransan yahay, lana buriyo go’aankii ay gaareen Guddigii xallinta khilaafaadka ee dib u habeynta lagu sameeyay.