Sheekh Aadan Madoobe oo amar deg deg ah siiyay saraakiisha ciidamada dalka

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ahna ku-simaha madaxweynaha Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir gudoomiyey kullan looga hadlaayay amniga guud ee dalka iyo u diyaar garowga maalmaha xuriyadda.

Kullanka oo diirada lagu saaray xaaladda amniga dalka, gaar ahaan ka shaqeynta maalmaha xuriyadda iyo sidii ay si nabdoon ah ugu qabsoomi lahaayeen, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa taliyeyaasha ciidamada militeriga, booliska, nabad-sugidda iyo kuwa asluubta.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ahna ku-simaha madaxweynaha Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa laamaha amniga dalka faray inay feejignaan dheeri ah muujiyaan xilliga lagu guddo jiro maalmaha xuriyadda dalka, gaar ahaan goobaha ay ka dhacayaan munaasabadaha.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay magaalada Muqdisho ka dhacaan munaasabaddo waaweyn oo loogu dabaal-degayo xuska sanad-guurada 62aad ee maalmaha xuriyadda ee 26-ka June iyo 1-da Luulyo.