Wafdi ka socda dalka Itoobiya oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho

Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad siday wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Mogamed Rafie Abaraya.

Wafdigaasi ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Balal Maxamed Cismaan, Wasiirka Amniga C/laahi Maxamed Nuur, Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya C/fitaax C/laahi Xasan iyo Saraakiil kale.

Wafdigaan ayaa sida la sheegay hordhac u ah wafuud kala duwan oo lagu wado inay ka qeyb galaan xafladda caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo 9-ka bishaan ka dhaceysa magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, 31-ka bishii hore ayay ahayd markii ra’iisul wasaaraha KMG ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu magacaabay guddi ka shaqeeya amniga caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo lagu wado inay kasoo qeyb-galaan madax kala duwan oo ka kala socota dalalka caalamka.