Askar ka tirsan NISA iyo kuwa xoogga dalka oo dil toogasho ah lagu xukumay

Maxkamadda qeybta 27-aad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday 4 askari oo ka kala tirsan ciidamada xoogga dalka iyo nabad-sugida Soomaaliya, kuwaas oo lagu helay dambiyo la xiriira inay dil iyo dhac ka geysteen degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Dable Bukhaari Axmed Maxamuud oo ka tirsan NISA iyo Dable Salmaan Ibraahim Shire oo isna ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa lagu kala xukumay dil toogasho ah halka Dubad Axmed Xuseen Cilmi lagu xukumay 3 sano oo xarig ah iyo Sharmaarke Muxumed Cali oo isna lagu xukumay 1 sano oo xabsi ah.

Guddoomiyaha maxkamada qeybta 27-aad ee ciidamada qalabka sida Gashaanle Maxamed Amiin Cabdulle ayaa sheegay in kadib markii lagu helay raggaan cadeynta dambiyada lagu soo eedeeyay xukunka lagu riday, islamarkaana ay heystaan muddo 30 cisho ah inay racfaan ka qaataan xukunka.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamadaan ayaa ka mid ahaa askarta dilka iyo dhaca ka geysata deegaanada degmada Doolow ee gobolka Gedo, iyadoona ugu dambeyn ay suurto gashay in qaar ka mid ah askartaasi gacanta lagu soo dhigo islamarkaana la xukumo.