Ciidanka DANAB oo howlgalo qorsheysan ku galay deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose

Ciidamada kumaandooska ee DANAB ayaa la sheegayaa inay howlgalo qorsheysan ku galeen deegaanada Toora-toorow iyo Caliyoow Baaroow oo ka tirsan gobolka Sh/hoose, halkaas oo ay dagaalyahanadda Al-shabaab maamulayeen.

Howlgaladaan oo u muuqday kuwa qorsheysan ayay ciidamada DANAB ku galeen deegaanada Toora-toorow  iyo Caliyoow Baaroow, iyagoona weerar ku kala qaaday baro koontarool iyo xarumo kale oo ay goobahaasi kaga sugnaayeen dagaalyahanadda Al-shabaab.

Saraakiisha ciidanka DANAB oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uljeedka howlgaladaasi uu ahaa burburin bar-koontarool oo ay deegaanadaasi ku lahaayeen Al-shabaab, kuwaas oo la tilmaamay in dadka lacago looga qaadi jiray.

Ciidamada DANAB ayaa intii ay howlgalada wadeen waxay gacanta kusoo dhigeen lix ka mid ah dagaalyahanada Al-shabaab, kuwaas oo ay ciidamada la aadeen dhinaca deegaanka Balli-Doogle oo sida la sheegay ku yaallo saldhigooda ugu weyn.

Si kastaba ha ahaatee, deegaanka Toora-toorow iyo deegaano kale oo katirsan gobolka Sh/hoose ayaa ka mid ah deegaanada wali gacanta ugu jira dagaalyahanadda Al-shabaab, halkaas oo ay inta badan dagaalyahanada Al-shabaab weeraro qorsheysan ka geystaan.