Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii Dhuusamareeb iyo xaaladda sida ay tahay

Wararka saakay naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galmudug ayaa sheegaya in xaaladda halkaasi ay tahay mid degan, ka dib markii shalay ay ka dhaceen dagaalo Aad u xoogan oo u dhaxeeyay xooggaga Ahlu-sunna Waljamaaca iyo ciidanka dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa maamulka Galmudug.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa sheegay inay ku guuleysteen illaa iyo xalay inay ka saaraan Ahlusunna deegaanada u dhow magaalada halkaasi oo ay shalay galinkii dambe ka dagaalameen.

Qoysas badan oo labadii maalmood ugu dambeysay ka qaxay magaalada Dhuusamareeb ayaa haatan qorsheynaya inay dib ugu soo laabtaan magaalada, waxaana magaalada saakay laga dareemayaa jawi degan.

Dhinaca kale, saraakiisha xoogaga Ahlu-sunna Waljameeca wali wax war kama soo saarin duulaanka ay maalintii shalay ku qaadeen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galmudug, balse looga awood roonaaday sida ay sheegeen saraakiisha Galmudug.

Si kastaba ha ahaatee, daba-yaaqadii bishii October ee 2021-ka ayaa xooggaga Ahlu-sunna waxaa awood dagaal looga saaray degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay muddo kooban gacanta ku haayeen, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaaro oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.