Guddiga doorashada oo fariin deg deg ah u diray musharixiinta ku tartameysa xilka madaxweynaha

Guddiga isku dhafka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhow soo saaray farriin ku socota dhammaan musharaxiinta u tartameysa xilka madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal ay soo saareen guddiga doorashada ayaa waxaa musharaxiinta looga dalbaday inay kasoo jawaaban codsiga guddiga ee ah, in musharrax kasta ee madaxweyne uu guddiga u soo gudbiyo xubinta u tirinaysa codadka doorashada.

Guddiga ayaa tilmaamay in musharaxii kusoo gudbin waaya waqtiga loo qabtay aysan suurtagal noqon doonin inuu howlka doorashada soo galo qof la socda, waxaana musharaxiinta laga codsaday ugu dambeyn inay magacyada soo gudbiyaan 12:30pm (duhurnimo) ee maanta.

Qoraalka guddiga ayaa u qornaa sida hoos ku xusan:-

“Dhammaan Musharraxiinta Madaxwaynaha JFS waxaa laga codsanayaa in ay ka soo jawaabaan codsiga Guddiga Doorashada Madaxwaynaha oo ah in Musharrax kasta Guddiga u soo gudbiyo xubinta u tirinaysa codadka. Musharraxii ku soo gudbin waaya waqtiga loo qabtay uma suurta gali doonto in uu hoolka doorashada soo galo qofka la socda FG: Waqtiga kamadanbaysta ah ee soo gudbinta magacyada waa 12:30 Am (duhurnimo) ee maanta” Sidaas ayaa lagu yiri qoraalka guddiga.

Si kastaba ha ahaatee, doorashada madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalinta berri oo Axad ah ay ka dhacdo teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho, waxaana xilka madaxweynaha u tartamaya 39 musharax, iyadoo magaalada laga dareemayo ololihii ugu dambeeyay ee doorashada dalka.