DEG DEG:- Taliska ciidanka booliska oo bandow caawa bilaabanaya kusoo rogay magaalada Muqdisho

Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa Bandow caawa bilaabanaya kusoo rogay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, kaasoo socon doonna inta ay ka dhamaanayso doorashada madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Afhayeenka booliska C/fitaax Aadan Xasan oo goordhaw shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa sheegay in Bandowga lagu soo rogay magaalada Muqdisho uu bilaabanayo caawa saacadu markii ay tahay 09:00pm (habeenimo), islamarkaana uu ku egyahay maalinta Isniinta 06:00am (subaxnimo).

Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay in sababta Bandowga uu yahay xaqiijinta ammaanka doorashada madaxweynaha iyo in laga hortaggo inay dhacaan falal amni daro ah.

Wuxuu afhayeenku sheegay xilliga uu Bandowga socdo in gabi ahaan la joojinayo isku socodka gaadiidka iyo dadka ee Muqdisho, isla markaana la xirayo dhammaan waddooyinka magaalada iyo suuqyada dadka ka adeegtaan, illaa laga gaaro maalinta Isniinta oo ay taariikhdu tahay 16-ka MAY.

Afhayeen C/fitaax Aadan Xasan ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho inay goor hore soo adeegtaan, islamarkaana waxa ay u baahan yihiin kasoo qaataan suuqyada, maadaama buu yiri in xitaa la joojin doono socodka lugta ee dadweynaha.

Si kastaba ha ahaatee, doorashada xilka madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalinta berri oo Axad ah ay ka dhacdo Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho, waxaana weli socda ololihii ugu dambeeyay ee doorashada dalka.