Shil geystay dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacay duuleedka magaalada Hargeysa

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa sheegaya in maanta uu halkaasi ka dhacay shil gaari oo sababay khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Shilkaan ayaa sida la sheegay yimid, kadib markii ay isku dhaceen labo gaari oo kala ahaa gaari nooca Booyad ah iyo mid kale oo nooca Iska rogaha ah, kuwaasi oo iskaga horyimid agagaarka tuuladda Burcada-yar ee dhinaca Barri kaga yaalla magaalada Hargeysa.

Illaa 5 qof ayaa la xaqiijiyay inay shilkaasi ku geeriyootay, halka tirro kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoona dadkaasi ay ahaayeen dadkii saarnaa gaariga.

Dadkii ku dhaawacmay shilkaasi ayaa waxaa loola cararay Isbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa, waxaana dhaawacyadaasi ka mid ah dad soo gaaray dhaawacyo aad u culus.

Dhinaca kale, goobta uu shilka ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray ciidanka illaalada waddooyinka Somaliland, waxayna islamarkiiba bilaabeen baaritaano la xiriira sida uu shilkaas ku dhacay.

Muuqaalo laga soo qaaday labada gaari ee shilka ayaa muujinaya burbur xoogan inuu soo kala gaaray labadaasi gaadiid, iyadoona mid kamid ah gaadiidkaasi uu dab ka kacay, kadibna uu bas-beelay.

Si kastaba ha ahaatee, dhowr jeer oo hore ayaa shilal ceynkaan oo kale ay ka dhaceen deegaanada ka tirsan Somaliland, iyadoona arrinkaasi loo sababeynayo darawalada gaadiidka oo si xowli ah ku kaxeeya gawaarida.