Wasiirka maaliyadda C/raxmaan Beyle oo looga yeeray xafiiska xeer illaalinta guud ee Qaranka

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya ee dhawaan xilka ka degaya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa looga yeeray xafiiska xeer illaalinta guud ee Qaranka, gaar ahaan qeybta qaabilsan dambiyada lidka ku ah maaliyadda iyo dhaqaalaha.

Warqad kasoo baxday xafiiska xeer illaalinta ayaa wasiirka maaliyadda C/raxmaan Beyle lagu faray inuu yimaado xafiiska xeer illaalinta guud ee Qaranka, maalinta Isniinta ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 27-ka bishaan, si wax looga weydiiyo arrimo ku saabsan maaliyadda.

Si kastaba ha ahaatee, arrintaan ayaa kusoo beegmaysa xilli dhawaan uu wasiirku ka hadlay arrimo la xiriira dhaqaalaha dalka, gaar ahaan bixinta mushaaraadka ciidamada iyo shaqaalaha dowladda.