Madaxweyne Xasan Sheekh oo war kasoo saaray go’aankii maanta ee baarlamaanka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey golaha shacabka ansixinta ra’iisul wasaaraha cusub ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo 15-kii bishan uu madaxweynuhu soo magacaabay.

“Mahad ballaaran ayaan u jeedinayaa golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo ila qaatay magacaabista ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre, oo aan markii horeba kusoo xulay aqoonta iyo kartida hoggaamineed ee uu u leeyahay howlaha hortabinta u leh dalkeenna.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay rajada shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan dhismaha xukuumad tayo leh oo ka shaqeysa samata-bixinta dadka Soomaaliyeed iyo xaqiijinta yoolka Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

“Waxaan kula dardaarmayaa raiisul wasaare Xamse Cabdi Barre in uu soo dhiso xukuumad ka shaqeysa xoojinta amniga, gurmadka abaaraha, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, dib u heshiisiinta, dhammeystirka dib u eegista dastuurka, xoojinta dowladnimada, iyo hagaajinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay la leedahay dunida.”

Ugu dambeyntii, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan xukuumadda cusub ee uu soo dhisi doonno ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre, islamarkaana ku garab siiyaan gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee horyaalla.