Xildhibaanada baarlamaanka oo codka kalsoonida ah siiyay ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre

Xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta kullan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa codka kalsoonida ah siiyay ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Kullankaasi oo ay soo xaadireen illaa 220 xildhibaan ayaa dhamaantood qaab gacan-taag ah ugu codeeyey ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre, iyadoona aysan jirin cid diiday ama ka aamustay.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo natiijadda ku dhawaaqay ayaa sheegay in dhammaan xildhibaanada soo xaadirtay kullanka ay codka kalsoonida ah siiyeen ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre.

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi oo la dhaariyay ayaa u mahad-celiyay xildhibaanada baarlamaanka ee codka kalsoonida siiyay, wuxuuna sheegay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo dhisi doonno xukuumad tayo leh oo lagu soo xulay aqoon iyo waayo aragnimo.