Wiil iyo adeerkiis oo xalay lagu dilay degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho

Koox ku hubeysan bistoolado ayaa habeenkii xalay degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho ku dishay labo qof oo la sheegay inay ahaayeen wiil iyo adeerkiis.

Labadaas qof ee la dilay oo lagu kala magacaabi jiray Cabdi Cismaan Cali iyo Xuseen Cabaas Cismaan ayaa la dilay xilli ay ku sugnaayeen goob ku taalla xaafadda Suuq Liif ee degmada Dharkeenley, iyagoona kadib u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee jirkooda.

Kooxda dilka geystay ayaa la sheegayaa inay islamarkiiba goobta isaga baxsadeen, waxaana markii dambe goobtaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howlgalo baaritaan ah halkaasi ka sameeyay, inkastoo aysan ku guuleysan inay gacanta kusoo dhigaan kooxaha dilka geystay.

Meydadka labadaasi qof ayaa lagu wadaa in maanta la aaso, waxaana warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in dilkooda uu salka ku hayo arrimo dhul la xiriira.

Si kastaba ha ahaatee, ma jiro wax war ah oo illaa iyo haatan ay laamaha amniga kasoo saareen dilka labadaasi qof, lamana oga cidda sida rasmiga ah dilkaasi uga dambeysay.