Xukuumada Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka oo kullan ku yeeshay magaalada Hargeysa

Waxaa maanta magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland kullan ku yeeshay hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka iyo xukuumada Somaliland.

Kullankan ayaa ahaa mid lagu ballamay is aragiisa Ciidul Adhxaa kahor, si looggu turxaan bixiyo is mari waaga ka dhaxeeya labaddan dhinac.

Xukuumadda Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka ayaa isku maan dhaafsanaa in muddo ah sida ay u kala horeynayaan doorashada madaxtinimada iyo furista xisbiyada.

Toddobaadkii hore, ayey aheyd markii maxaabiis u xirxirneyd arrimo siyaasadeed lasii daayey, si wada hadalada u fududaadaan, iyadoo sii deynta maxaabiista ay ka shaqeeyeen odayaasha Somaliland.