
Waxaa habeenkii xalay xarunta madaxtooyadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho kullan xasaasi ah ku yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre iyo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Samatar.
Kullankaasi ayaa sida la sheegay looga hadlay dhacdadii Isniintii lasoo dhaafay is hor-istaaga loogu sameeyay guddoomiye Sacdiya Yaasiim Xaaji, xilli ay dooneysay inay ka degto garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ay qadka telefoonka kula xiriireen madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Deni oo ay kala hadleen wixii dhacay iyo xallinta xiisada ka dhalatay iska horimaadkii sababay is hor-istaagii lagu sameeyay Sacdiya Samatar.
Dhinaca kale, madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa ku guuleystay baajinta shir jaraa’id oo ay qaban laheyd guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Sacdiya Yaasiim Samatar, ay ku dooneysay inay uga hadasho dhacdadii dhacday.
In ka badan 10 ruux ayaa ku dhimatay iska hor-imaad ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kaas oo u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan maamulka Puntland, kuwaasi qaarkood doonayey inay garoonka kasoo galbiyaan guddoomiye Sacdiya.
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Sacdiya Yaasiin Samatar ayaa gar-gaar u waday magaalada Boosaaso, iyadoo dooneysay inay ku wareejiyo maamulka Puntland, hase yeeshee diyaaradii siday ayaa loo diiday inay ka degto garoonka.