Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa magaalada Muqdisho ka furay shirka madasha ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub, taas oo diiradda lagu saarayo fursadaha maalgashi waaweyn ee ka jira dalka iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya iyo dalalka Midowga Yurub.

Shirka madasha oo ay si wadajir ah u qabanqaabiyeen wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya iyo Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa soconaya muddo laba maalmood ah, waxaana ka qaybgalaya ganacsato, maalgashadayaal, hay’ado maaliyadeed iyo mas’uuliyiin ka kala socda Soomaaliya iyo Midowga Yurub, oo uu ka mid yahay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, László Eduárd Máthé.

Madasha ayaa lagu soo bandhigayaa fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo beeraha, xoolaha nool, kalluumaysiga, tamarta, dhaqaalaha dhijitaalka ah, tiknoolajiyadda, gaadiidka iyo adeegyada saadka, iyadoo sidoo kale la qabanayo doodo ay ka qaybgalayaashu kaga arrinsanayaan horumarinta wax-soo-saarka iyo sidii loo heli lahaa maalgashi taageera kobaca dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in horumarka laga sameeyay dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo hay’adaha dowladda loo baahan yahay in loo beddelo fursado dhab ah oo maalgashi iyo iskaashi, si loo kordhiyo wax-soo-saarka gudaha, loo abuuro shaqooyin, isla markaana kor loogu qaado dakhliga muwaadiniinta.

Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ganacsiga gaarka loo leeyahay, isagoo sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay door muuqda ku leeyihiin dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee dalka, isla markaana ay haystaan fursado cusub oo ay kaga qayb qaataan horumarinta wax-soo-saarka gudaha.


Si kastaba ha ahaatee, shrikaan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya ay xoogga saarayso horumarinta dhaqaalaha iyo soo jiidashada maalgashiga, iyadoo iskaashiga hay’adaha maaliyadeed, ganacsatada gudaha iyo maalgashadayaasha caalamiga ah loo arko mid muhiim u ah kobcinta wax-soo-saarka iyo shaqo-abuurka dalka.